Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Golaha Wasiirada oo ka Hadlay Dagaallada Muqdisho
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 11 2007
Golaha Wasiirada oo ka Hadlay Dagaallada Muqdisho
Written by Abbas Gassem   
Sunday, 11 November 2007
Baydhabo,(insidesomalia.org ): Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda Dagaal ee haatan ka taagan Magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir gudoominayay sii hayaha Xilka Ra,iisul Wasaaraha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa waxaa ka soo baxay go'aano ku saabsan Dagaallada ay Dadka badan ku dhinteen ee ka socomaya Magaalada Muqdisho.

Go'aannada ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Saxaafadda u aqriyay Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa ka mid ahaa in dhibaatada Dagaal ee Dalka ka socota ay yihiin kuwo soo socday ilaa intii kooxaha la magac baxay Muqaawamada ay soo weerareen Magaalada Baydhabo oo Xarun u ah Dowlada Fidaraalka KMG Soomaaliya,

Golaha Wasiirrada waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxayna tacsi u direen Eheladii Dadkii ku geeriyoodey Dagaalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu baaqay dhinacyada Dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho in ay Dagaalka joojiyaan, isla markaana aan lagu dul-dagaalamin Dadka rayidka ah, iyagoo Shacabkana ugu baaqay in aysan gabaad siinin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Hay'adda Samafalka ayay ugu baaqeen Xubnaha Golaha Wasiirrada ee shirka isugu yimid in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Duleedka Muqdisho, iyo degmooyinka ku dhow, iyagoo balan qaadey in ay la shaqeyn doonaan Hay'adaha gargaarka.

Ugu dambeyntiina, Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Dalalka Afrikaanka ah ee horay u ballanqaaday in ay Ciidamo geynayaan Soomaaliya in ay dedejiyaan Ciidamada ay Soomaaliya u dirayaan.

Waxeyna umahad celiyeen Golaha Wsiirada Dalalkii Ciidamadooda horay u keeney Soomaaliya iyo kuwa haatan ku hawlan in ay Ciidamadooda usoo diraan Somaliya.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >